Somaliska/Af Soomaali

Mashruuca Salut-satsningen – wuxuu ku saabsan yahay caafimaadka carruurta iyo dhallinyarada Mashruuca Salut-satsningen waa dadaal xiriir la leh caafimaadka carruurta iyo dhallinyarada ku nool gobolka Västerbotten. Waxaa la hirgeliyay 2005.

Mashruuca Salut-satsningen

Dhammaan carruurta iyo dhallinyarada oo da`dooda u dhaxayso 0-18 sano, waa in lagu gaaro dadaallada kor u qaadista caafimaadka xilliga barbaarinta. Dadaalka wuxuu bilaabmaa markii hooyada ay uur qaado.

Ujeedada waxay tahay in laga hortago caafimaad-darrada (sida caafimaad-darrada maskaxda, cayilka, cayilka xad dhaafka ah, iyo suuska ilkaha) waxaana looga hortaga iyadoo kor loo qaado xaaladaha amniga iyo korriinka wanaagsan, cunista cunto nafaqo leh oo caafimaadka u wanaagsan laguna dadaalo dhaqdhaqaaqa jirka.

Halkaan ka aqriso warbixin dheeraad oo ku saabsan cilmi-baaris xiriir la leh mashruuca Salut-satsningen.

Wadashaqaynta

Mashruucaan dartiisa waxaa wadashaqayn ka dhaxayso xarumaha daryeel-caafimaadeedka ilmaha iyo dumarka, goobaha xannaanadda carruurta sida öppen förskola iyo förskola, Dugsiyada biloowga/hoose/dhexe, dusiyada sare, goobaha adeegyada caafimaadka ee ardayda iyo dhallinyarada iyo goobaha caafimaadka ilkaha.

Tusaalooyinka dadaallada

  • Barnaamijka taageerada waalidiinta Hagida isdhexgalka ee xilliga uurka iyo isku diyaarinta waalidnimada.
    • Foom ku qoran su`aallo xiriir la leh caafimaadka hooyada iyo wadahadal ku salaysan caafimaadka hooyada iyo qaab nololeedkeeda markii ay uurka leedahay.
    • Sahan 3 sano ah oo ku dhaqaaqi doonto rugta daryeel-caafimaadeedka carruurta, kuwaasoo ku saabsan caafimaadka carruurta, qaab-nololeedkooda iyo horumarkooda.
    • Bodil krokodils verktygslåda, qalab la adeegsan doono sidii kor loogu qaadi lahaa caafimaadka ilkaha ee ilmaha goobaha barbaarinta iyo xannaanada förskolan iyo öppen förskola.
    • Qoraal-waydiimaha ku qoran su'aalaha caafimaadka ardayda, qaab nololeedkooda iyo xaalad nololeedkooda

Wixii su`aallo ah kala xiriir maamulka mashruuca Salut-satsningen

salut@regionvasterbotten.se